750 Views

Malaayin qof oo ku go’doonsan fatahaado ka dhacay Dalka Bangaladesh

Malaayin qof oo ku go’doonsan fatahaado ka dhacay Dalka Bangaladesh
____________________________________________________________________________

Sabti: June 18, 2022

 

Bangladesh ayaa u dirtay ciidanka si ay u caawiyaan ku dhawaad laba milyan oo qof oo ku go’doonsan biyaha fatahaada, ka dib markii roobabkii dabaylaha watay ay ku dhufteen dhul ballaaran markii labaad laba toddobaad gudahood.

Daadadku waxay khatar joogto ah ku hayaan malaayiin ku nool dhulka hoose ee Bangladesh, laakiin khubaradu waxay sheegeen in isbeddelka cimilada uu ka dhigayo kuwo khatar badan oo aan la saadaalin karin.

Inta badan gobolada waqooyi bari ayaa buux dhaafiyay waxaana laga yaabaa in xaaladdu ka sii dari karto dhamaadka usbuuca iyadoo la filayo roobab kale.

Maamulka ayaa hakiyay imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka intiisa badan, halkaasi oo dhismayaal iskuulo ah ay dadka kbarakacay fatahaadaha ay gabaad ka dhigteen.

“Xaaladdu waa mid aad looga walaaco…In ka badan laba milyan oo qof ayaa hadda ku go’doonsan biyaha fatahaadda awgeed,” ayuu agaasimaha degmada Sylhet Muhammad Musharaf Hussain u sheegay AFP.

“Dadka waxa ay gabaad ka dhigteen doonyaha, ciidanka ayaan geynay, waxaana isku dayeynaa in aan ka saarno”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post