741 Views

Dibadbaxyo weli ka socda Hindiya oo looga horjeedo aflegaadaynta Nebiga

Dibadbaxyo weli ka socda Hindiya oo looga horjeedo aflegaadaynta Nebiga
____________________________________________________________________________

Isniin: June 13, 2022

Waxaa dalka Hindiya kasii socdaa dibadbaxyada looga soo horjeedo hadallo lagu tilmaamay kuwa aflagaado ah oo ay diinta Islaamka u geysteen labo xildhibaano caan oo ka tirsan xisbiga haya talada Hindiya Bharatiya Janata Party.

Ciidamada nabadgelyada India ayaa dumiyey guryaha shakhsiyaad Muslimiin ah oo magac leh oo lala xidhiidhinayo rabshadihii ka dhashay hadalladii deelqaafka ahaa eel aga sheegay Nebi Muxammad, tallaabadaas ayaa si weyn loo caambaareeyay.

Muslimiinta ayaa dhigayey mudaharaaddo lagu diidan yahay hadallada Islaamka gefka ku ah ee ay ku tiraabeen laba xubnood oo ka tirsan xisbiga talada haya ee BJP.

Xisbiga BJP ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu ka soo horjeedo fikir kasta oo aflagaadeynaya ama hoos u dhigaya koox ama diin, waxa uuna intaasi ku daray in aysan “taageerin dadkaas ama falsafadda ay aamminsan yihin”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post