1140 Views

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo si rasmi ah uga jawaabay warbixintii Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo si rasmi ah uga jawaabay warbixintii  Midowga Afrika
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

 Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah uga jawaabay warbixin ay dhowaan diyaariyeen guddi qiimayn ah oo ka socday Midowga Afrika, taas oo looga hadlay mustaqbalka hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad u dhibsatay warbixintaas oo ku talisay in afar qaab midkood uu yeesho hawlgalka AMISOM wixii ka dambeeya bisha Decembar ee sanadkaan 2021-ka.

Afarta qaab oo guddigaas uu ku taliyey ayaa kala ahaa:

1 – Inuu noqdo hawlgal ay wadajir u fuliyaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey

2 – In dib u habayn iyo wax ka beddel lagu sameeyo hawlgalka haatan jira ee AMISOM.

3 – In AMISOM gebi ahaanba ka baxdo dalka.

4 – Iyo In ciidamo kale oo ka socda waddamada Bariga Afrika la keeno Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo la hadlay VOA ayaa dafiray wax ku oolnimada warbixintaas, isagoo si faahfaasan u duray qodobada ku xusan qoraalkii uu Midowga Afrika u gudbiyey Qaramada Midoobey.

Wasiirka ayaa dhaliilay tayada ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in gabi ahaanba aysan la howlgelin ciidamada Soomaaliya, taas oo keentay in la hana waayo ammaanka guud ee dalka, sida uu hadalka u dhigay wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

“Hadii aan samenay qiimeyn waxaa noo soo baxday wadashaqeyn la’aantu in dhankeena aysan ka imaan, ciidamada Soomaaliyeed waa shaqeeyaan, waa dagaalamaan, weerarrada ayagaa qaada, meeshii ay qabsadaan ayey AMISOM degtaa, laakiin ayagu weerar ma qaadaan, markii laga reebo qeybta koowaad ee howlgalka oo ah ciidamada Uganda, kuwaas oo mar mar ka qeyb qaata howlgallada,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaa dhacda in ciidamada Soomaaliya ay mararka qaar arkaan fursad ay jab ku gaarsiin karaan cadawga, laakiin aysan heleynin, gacan siinta ay uga baahan yihiin AMISOM.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post