1575 Views

WARARKA Paksitan oo sii deysay duuliyihii u dhashay dalka Hindiya

WARARKA Paksitan oo sii deysay duuliyihii u dhashay dalka Hindiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  March 01, 2019 –Dowlada Pakistan ayaa si rasmi ah ugu wareejisay dowlada Hindiya duuliyihii u dhashay dalka Hindiya oo ay diyaaradii uu duulinayay la soo ridey.

Muuqaalo ay baahiyeen taleefishinada ayaa laga arkay iyadoo uu duuliye Abhinandan uu ka gudbayo xadka dalka Pakistan uu la wadaago xadka dalka Hindiya meel ku dhow magaalada Wagah,dowlada Hindiyana waxa ay xaqiijisay in uu dib u soo laabtay duuliyaha lana baarayo caafimaadkiisa.

Diyaaradii uu duulinayay Abhinandan ee ahayd MiG-21 ayaa Arbacadii la soo ridey iyadoo ku burburtay gudaha dalka Pakistan waxaana qabtay ciidamada dowlada Pakistan.

Xiisada u dhexeysa labada dal ee leh awooda Niyukuliyerka ayaa qabowday haatan iyadoo ay soo baxayeen maalmihii la soo dhaafay baaqyo loogaga dalbanayay in ay khilaafka wadahadal ku dhamaystaan.

Xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatay labada dal ee jaarka ah ayaa ka dhalatay kadib markii qarax ka dhashay baabuur waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay saldhig ay ciidamo Hindi ah ku sugnaayeen ayna ku dhinteen illaa iyo afartan askari 14kii bishii hore.

Khilaafka u dhexeeya labada dal ee Hindiya iyo Pakistan ee gobolka Kashmir ayaa waxaa uu hore u sababay labo dagaal oo dhex maray labada dal tan iyo markii ay ka xoroobeen dowlada Britain sanadkii 1947dii.

Dowlada Pakistan ayaa dib u furtay garoomadeeda diyaaradaha kadib markii uu debcey xiisada colaadeed,waxaana dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay xayiraad timid duulimaadyo isaga kala gooshayay wadamo ku yaal qaarada Aasiya iyo Yurub.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment