759 Views

Kenya oo walaac ka muujisay in Ciidanka Mareykanka laga baxsho Soomaaliya

Kenya oo walaac ka muujisay in Ciidanka Mareykanka laga baxsho Soomaaliya
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 17|  2020
—Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Kenya ayaa sheegtay in tallaabada dowladda Mareykanka ay Ciidankeeda ugala baxayso Somaaliya inay khatar gelinayso abaabullada amniga ee lagula dagaallamayo argagixisada .

Dowladda Kenya ayaa xustay in ciidanka Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ay qeyb weyn ka geysteen hakinta weerarada Al-Shabaab ee Kenya.

Xoghayaha guud ee wasaaaradda Arrimaha dibada Kenya  Kamau Macharia ayaa sheegay in Kenya ay mudooyinkii la soo dhaafay la kulantay dib u dhac xoog leh oo dhanka maalgashiga ah iyo dib u dhac dhaqaale kadib weeraradii argagaxisada ee xiriirka la lahaa Al-Qaacida, oo ay ku jiraan qaraxii safaarada Mareykanka ee 1998 iyo weerarkii Westgate Mall iyo Dusit 2 Hotel iyo kuwo kale.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidanka Mareykanka ay qeyb weyn ka yihiih dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Hadalka Macharia ayaa imanaya kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in madaxweyne Donald Trump uu ku wargaliyay la taliyayaashiisa sare inuu doonayo inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post