774 Views

DEG-DEG:-Qaraar xilka looga qaadayo Trump oo la faafiyay

DEG-DEG:-Qaraar xilka looga qaadayo Trump oo la faafiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09, 2021—Xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa faafiyey qaraar qabyo qoraal cusub oo xil ka qaadis ah oo ka dhan ah madaxweyne Trump.

Xisbiga ayaa ku eedeyneya madaxweynaha xilka ka degaya danbiyo waaweyn iyo dambiyo fudud, oo ay kujirto kicinta kacdoon shacab. Afhayeenka aqalka congress-ka Nancy Pelosi ayaa sheegtay iney sii wadi doonto ololaha xil ka xayubinta Trump haddii uu madaxwyenaha si dhakhsiyaha isku casili waayo.

Trump ayaa lagu wadaa inuu xafiiska ka tago laba iyo toban maalmood guduhood. Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha ka hor xilligii loo asteeyay ay sii kala qeybineyso dalka.

Mid ka mid ah xubnaha sare ee golaha wasiirrada Mareykanka ee u dhowaa madaxweynaha ayaa ku biirtay liiska dadkii dhowaan is casilay, sababo la xiriira khudbaddii uu madaxweynuhu u jeediyay dibadbaxayaasha kahor intaysan weerar ku qaadin kongareeska.

Xoghayaha waxbarashada, Betsy DeVos ayaa sheegtay in laga habboonaa wixii dhacay Arbacadii. Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka ayaa canbaareeyay qalalaasihii ka dhacay magaalada Washington kaddib markii taageerayaasha madaxweyne Donald Trump ay weerar ku qaadeen xarunta Capitol ee fariisinka u ah dowladda Mareykanka.

Rabshadaha ayaa kallifay in la hakiyo kulan uu golaha wakiillada ka lahaa ansixinta guushii Joe Biden.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post