960 Views

K/xigeenka Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Tababar u furay Saraakiisha

K/xigeenka Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda  oo  Tababar u furay Saraakiisha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 9, 2020 – K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col, Cusmaan Xasan Cosoble ayaa Tababar ku saabsan qeybaha kala duwan ee Socdaalka u furay Saraakiisha Safka hore ee ka howlgala Garoonka Aadan Cabdulle ee M/Muqdisho.

Tababarkaan furitaankiisa oo ay ka soo qeybgaleen Agaasimaha Waaxda Maamulka Xuduudaha iyo Agaasimaha Laanta koobaad ayaa wuxuu socon doonaa mudo todobaad ah kaas oo ay Saraakiisha ku qaadan doonaan maareynta Maamulka Xuduudaha, Habka Socdaalka, Baarista Dukumeentiga, dowrka Sharciyadeed ee Saraakiisha safka hore, Ilaalinta Xogta iyo Qorista Warbixinada.

K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Cusmaan Xasan Cosoble oo tababarka furay ayaa Saraakiisha ku booriyay in ay ka faaideystaan Tababarkaan oo isugu jiro qeybo kala duwan ee Socdaalka maadaama ay ka howlgalaan barta ugu horeyso ee Dalka laga soo galo.

Col, Cosoble ayaa ugu dambeyntii Saraakiisha la wdaagay muhiimaddaa uu tababarkaan u leeyahay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyadoo waqti badan iyo juhdi aad u sareeyo lagu bixiyay sidii uu u qabsoomi lahaa, dhawaana loo qaban doono Saraakiisha kale ee ka howlgalo Xuduudaha kale ee Dalka.

#HSJMUQDISHO

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post