765 Views

Baarlamanka Puntland oo maanta oo Isniin ah dib u bilaabaya fadhiyadoodii caadiga ahaa,

Baarlamanka Puntland oo  maanta oo Isniin ah dib u bilaabaya fadhiyadoodii caadiga ahaa,
____________________________________________________________________________

Talaado: 1

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Isniin ah dib u bilaabaya fadhiyadoodii caadiga ahaa, kadib fasax ay ku maqnaayeen mudda todobaad ah.

Ajandaha keliya oo ka harsan Kal-fadhiga 48-aad Baarlamanka, ayaa ah doorashada xubnaha  Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland.

Mudanayaasha Baarlamanka, ayaa la filaya in ay maalmaha u haray  guda-galaan arrimaha ku saabsan doorashada xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya Puntland.

Sidoo kale, madaxweyne Siciid Deni ayaa isna todobaadkan lagu wadaa in uu soo gudbiyo liiska xubnaha u sharraxan doorashada Aqalka sare, kuwaas oo la filay in ay ka soo muuqdaan dad ka tirsan dowladdiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post