1209 Views

Somaliland oo Amarro ku rogtay Mudanayaasha guuleystay.

Somaliland oo Amarro ku rogtay Mudanayaasha guuleystay.
____________________________________________________________________________

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaland Maxamed Kaahin Axmed ayaa marka hire u mahad celiyay ,Guddiga doorashooyinka, Musharixiinta, Golaha Wakiilada iyo degaanka iyo Xukuumadda oo uu sheegay inay waqti badan ku bixisay qabsoomida doorashoiyinka.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dhamaan natiijooyinka doorashadii ka dhacay Gobolada iyo degaannada Somaliland lagu dhawaaqay, balse kaliya ay jarsan tahay natiijada doorashadii ka dhacday Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale Mudanayaasha ku guuleystay Golayaasha Wakiilada iyo degaanka ayaa waxaa uu uga digay waxyaabo abuuri karo rabshada iyo amni darro oo ay kamid yihiin.

1: Inay sameeyaan dabaal degyo waaweyn oo gawaarida magaalooyinka lagu wareejiyo, taasi oo dhalin karta nabadgeliyo darro.

2:  In ay mamnuuc tahay in lanisticmaalo waxyaabo Bululeer oo kale ah, oo xilliga ololaha ay kujireen Musharixiinta ay isticmaaleen.

3: in sidoo kale ay mamnuuc tahay waxkasta oo kicin kara musharixiintii kaga guuleystay, isla markaana nabadgelyada wax u dhimi kara.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka codsaday Xisbiyada in Xildhibaannada ka tirsan ee guuleystay ay u gudbiyaan xeerarka lagu dhaqo dalka ee ka hortagaya dhibaatooyinka lidiga ku ah amniga.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaland Maxamed Kaahin Axmed ayaa faray laamaha Amniga inay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo isku dayda inay sameeyso waxyaabo lidi ku ah amniga degaannada Somaliland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post