696 Views

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in uu soo laba kacleeyay Cudurka COVID-19

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in uu soo laba kacleeyay Cudurka COVID-19
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November17, 2020 –Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in markale uu cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus uu kusoo laba kacleeyay Soomaaliya, isla markaana la helay kiisas Cusub oo Cudurka ah.

Wasiirada Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in qaar kamid ah gobolada dalka iyo isbitaallada gaarka loo leeyahay laga soo warinayo in uu jiro kiisas Cusub oo COVID-19 ah oo la helay.

Waxaa ay sheegtay in laga soo bilaabo Bishii Maarso ee sanadkaan 2020 ilaa Bishaan November ay Wasaaradda Caafimaadka baartay 53,373 Ruux , waxaana Cudurka laga helay 4,382 halka ay ka bogasadeen 3,384, waxaa sidoo kale u dhintay 108 Ruux, kuwaas oo kala joogay Muqdisho iyo Goboladaka dalka.

Wasiir Fowsiya waxaa ay sheegtay in laga soo bilaabo 1-da Bishan ilaa Maanta oo taariikhdu tahay 17-ka Bisha November ay Wasaaradda diiwaangelisay 153 Ruux oo laga helay Cudurka COVID-19, waxaa ka bogsaday 50 Ruux halka uu u dhintay hal Ruux.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post