1287 Views

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo gudbisay liiska saxiixayaasha Galmudug

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo gudbisay liiska saxiixayaasha Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 29- 2019 –WMagaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ka socda howlo loogu diyaar garoobayo doorashooynka Maamulka Galmudug,sida xulista Baarlamaanka iyo doorashada Guddooomiyaha, Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

 

Wasaarada Arimaha guddaha ayaa Gudigga doorashooyinka u gudbisey liiska Saxiixayaasha oo ka kooban 43 Xubnood, kuwaas oo ahaa saxiixayaashii soo dhisey maamulka Galmudug , iyada oo ay socdaan kala habeynta iyo diyaarinta qorshaha odayaasha.

 

 

 

Maalinta berito oo Sabti ah ayaa la filayaa in la xareeyo Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug,isla markaana Caawa la dhameystiro aqoonsiyada madasha shirka, maadaama barito uu furmayo.

 

Dhinaca kale waxaa aad loo adkeeyey Amniga Magaalada Dhuusamareeb,waxaana saacadihii la soo dhaafay kulamo xasaasi ah oo amniga looga hadlayay yeelanayay Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee dowladda & kuwa Galmudug eek u sugan Magaalada Dhuusamareeb.

 

Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 23-ka Bisha soo socota ee December,waxaana xusid mudan in hoggaanka Ahlusunna ay saluugsan yihiin habka ay dowladda Federaalka u wado dhismaha Galmudug.

 

 

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment