1992 Views

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Duulimaad Cusub oo isku xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Duulimaad Cusub oo isku xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Oktoobar 13 2018 — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Duulimaad cusub oo isku-xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Shirkadda Duulimaadka ee National Airweys ayaa bilaabaysa duulimaad toos ah oo isku xiraya labada Caasimadood ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Duqa Muqdisho ayaa furitaanka kadib, tilmaamay in duulimaadkani uu yahay kii ugu horreeyey muddo afar sanno ah ee si ganacsi ah iskugu xiraya labada dalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa boggaadiyey ganacsatada ka shaqeysay howshan, isagoo xusay in tallaabadani ay wax weyn ka tarayso isku xirka labada dalka iyo horumarka ganacsiga.

“Duulimaadkan isku xiraya Addis Ababa iyo Muqdisho waa mid baahi-weyn ay u qabeen shacabka Soomaaliyeed, waxaa ammaan iyo boggadin mudan dadkii ka shaqeeyey howshan, ka maamul ahaana waxaan mar walba garab taagannahay cid walba oo horumarka Caasimadda ka shaqaynaysa”.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda furitaanka hadallo ka jeediyey qaar kamid ah Wasiirrada Xukuumadda, Xildhibaanno, odayaal, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo qeybaha bulshada ee lagu casuumay munaasabadda, kuwaas oo dhammaantood boggaadiyey duulimaadkan cusub ee isku xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa.

muqdisho-addis-3 muqdisho-addis-2 muqdisho-addis-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment