1920 Views

Wiil Sharad Awgii Ugu Geeriyooday Wabiga Shabeelle

Wiil Sharad Awgii Ugu Geeriyooday  Wabiga Shabeelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 14, 2018 —Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dhalinyaro sharad ku gashay Teleefoonka gacanta midkood aan lagu heyn Nolol iyo Geeri.

Cabdiwaaxid Xaaji Cali oo ah Abtiga Maxamed Amiin ayaa Qaranimo Online  u sheegay in dhalinayrada ay ku sharad galeen Mobile ama Telefoonka Gacanta hadii uu ka gudbo waliba dibne ugu soo laabto meesha uu ka tagay.

Maxamed Amiin oo ah Wiilka sharadka lala galay ayaa ka gudbay Wabiga, balse markii uu soo laabtay ayaa la waayay sida Abtigiis uu Mustaqbal u sheegay.

Waxa uu tilmaamay in aan nolol iyo Geeri midna lagu heyn, balse ay socdaan Dadaalo lagu baadi goobayo sidii loogu heli lahaa Raq iyo Ruux.

Cabdiwaaxid Mustaqbal u sheegay in la xiray Wiilkii sharadka la galay Marxuumka geeriyooday, wiilkoodane berri ay ka raadin doonaan Wabiga si ay ugu quustaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment