417 Views

TPLF oo sheegtay shuruudaha ay heshiiska ku xirtay iney waxba ka baddaleyn

____________________________________________________________________________

khamiis: February 24, 2022

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dagaalka ay uga adkaadeen fallaagada TPLF balse ay jirin wadahadallo rasmi ah oo ay TPLF la billaabeen.

Abiy wuxuu sheegay iney ciidamadiisu had iyo jeer ay diyaar u yihiin daandaansi kasta oo dhanka TPLF ka yimaadda iney si buuxda uga hortagaan balse go’aanki dowladda ee ahaa iney gobolka Tigreeda gudaha u gelin uu weli waxba iska baddalin.

“Ilaa iyo hadda wax wadahadal ah oo lala galay TPLF ma jiraan. Laakiin wadahadal ma gelin ama gabi ahaanba wadahadal ma jirayo kama dhigno” ayuu yiri Abiy Axmed.

Hoggaamiyaha fallaagada TPLF Drbretsion Gabre-Michael wuxuu sheegay wadahadallo lala galo xukumadda Abiy Axmed nay horay shuruudo ugu xireen, ilaa shruudahaasi ay dowladda dhexe ka soo baxdana ay wax heshiis ah ay galeyn.

Debretsion wuxuu dowladda dhexe ee Itoobiya uu ku eedeeyey iney diyaar garow wadaan, dagaalka waxa ay u joojiyeenna ay ka ahayn in colaadda xal waara loo helo balse ay uga gol leeyihiin iney helaan fursad ay dagaal kale ugu diyaar garoobaan.

Dagaalka waqooyiga dalka Itoobiya ka socda in ka badan 15 bilood oo geystay qasaaro naf iyo maalba leh sidi loo joojin lahaa waxaa socday dadaallo ay dhinacyo kala duduwan wadeen waloow ay dadaalladaasi mira dhal noqon.

Midowga Afrika, Mareykanka iyo Kenya oo dadaal u galay sidi dagaalka Tigraay loo soo afjari lahaa gargaar bani aadanimana gobolkaasi loo gaarsiin lahaa haddana natiijo la taaban karo kama soo bixin.

Shaqsiyaadka dadaalka ugu badan geliyey sidi ay labada dhinac uga kala dab qaadi lahaayeen waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Afrika Olisegon Obasanjo iyo Ergeyga gaarka ee dowladda Mareykanka Jeffry Feltman. Iyaga oo safarro ay colaaddaasi xal ugu raadinayaan ku tagay magaalooyinka Addis Ababa, Maqale iyo Nairobi.

Hadal haynta wadahadallada

Fallagada TPLF waxay marar badan sheegeen iney diyaar u yihiin dagaalka in wadahadal lagu soo afjaro hase yeeshee dhanka madaxda dowladda dhexe ee Itoobiya war rasmi ah oo ku saabsan iney wadahadal colaaddaasi xal looga raadinayo ay TPLF la galayaan kama soo bixin.

Bartamihi bishii Januray wakaaladda wararka ee AP waxay baahisay iney dowladda Itoobiya ay dooneyso iney wadahadal la gasho TPLF inkastaoo ay dowladda arrintaa ka hadal.

“TPLF haddii ay nabad diyaar u tahay, dabeecaddi fallagadana ay isbaddasho oo ay nabad diyaar u yihiin annagu si wanaagsan ayaan u soo dhaweynayaan laakiin nabad hal dhinac oo keli ah ka socoto ay natiijo wanaagsan ka dhalan karin,” ayuu yiri Abiy Axmed oo maalma ka hor hortagay baarlamaanka dalkaasi.

“Wadahadal wuu jiri karaa, haddii uu yahay mid ay ku jirto danta dalka wadahadal wuu jiri karaa,” ayuuna sii raaciyey.

Wadahadallada aan tooska ahayn

Dowladda Itoobiya iyo fallagada TPLF inuu wadahadal aan toos ahayn uu u socdo shaqsiyaadka ka dhawaajiyey waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Afrika Olisegon Obasanjo.

Hase yeeshee Obasanjo wax faahfaahin ah kama bixin wada hadallada aan tooska ahayn ee labada dhinac u socda.

Hoggaamiyaha fallaagada TPLF Debresion Gabra Michael oo bishi January BBC News Hour u warramay wuxuu sheegay iney dowladda Itoobiya ay wadahadal aan toos ahayn la billaabeen ididiilo wanaagsanna ay ka muuqato.

Inkasta oo dowladda Itoobiya ay wax jawaab ah ka bixin hadalka ka soo yeeray Hoggaamiyaha fallaagada TPLF Debresion Gabra Michael.

Debresion wuxuu intaa ku daray wadahadalkaasi inuu qayb ka yahay dadaallada diblumaasiyadeed ee ay wadeen midowga Afrika, Qaramada midoobay iyo dowladda Kenya.

Wadahadalkaasi dadban ee labada dhinac u dhaxeeya xilligi la sheegay oo ay seddex toddobaad ka soo wareegtay weli wax natiijo ah kama soo bixin.

Madaxweynihi hore ee Nigeriya Olesengo Obosanjo oo dhawaan loo magacabay ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan Midowga Afrika wuxuu dhawaan kulammo uu la yeeshay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa TPLF.

Wuxuuna Obasanjo BBC u sheegay dadaalka uu u galay iyo kulammada uu la yeeshay labada dhinac midkoodna ineysan diidin baaqi wadahadalka uu ugu yeeray.

‘Shuruudaha TPLF’

TPLF wadahadal ay la gasho dowladda Itoobiya waxay ku xirtay shuruudo ay ka mid yihiin: Arrinta ciidamada fallaagada, in shacabka Tigraay aaya ka tashi loo oggolaado, ciidamada Eritrea iney gobolka Tigraay ka baxaan iyo in Gobolka Tigraay xadki uu horay u lahaa loo soo celiyo ciidamada deegaanka Amxaaradana ay gabi ahanba deegaankaasi ka baxaan.

‘Shuruudaha Itoobiya ay TPLF ku xirtay’

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Diina Muftii ayaa sheegay haddii la doonayo dagaalka waqooyiga Itoobiya muddo sanad ka badan ka socda in nabad lagu soo afjaro in TPLF looga baahan yahay inay ka soo baxaan dhowr shuruudood.

“Iney fallaagada TPLF ay ka baxaan dhulka ay ka qabsadeen deegaannada Amxaarada iyo Cafarta, Iney aqoonsadaan dowladda dhexe ee dalka ka arrimisa iyo xoogagga TPLF weerarrada ay fulinayaan iney joojiyaan,” ayuu yiri afhayeenka.

“Seddexdan qodob “wadahadalladu iney shuruudo u noqdaan iyo ineysan u noqon labaduba wey dhacdaa”, balse ilaa iyo hadda wax wada hadal oo dowladda dhexe iyo TPLF ka dhex billaawday ma jiraan, wax go’aan ah oo wadahadal laga gaarayna ma jiraan” ayuu yiri.

Dagaalka waqooyiga dalka Itoobiya ka socda ayaa billowday 4-ta bishii November 2020-ka kaddib marki ay dowladda dhexe ee Itoobiya sheegtay xogagga TPLF iney weerareeen saldhigga waqooyi ee ciidamada Federaalka ay ku lahayeen magaalada Maqale.

Dagaalka Deegaanka Tigraay ka soo billawdayna wuxuu ku sii baahay deegaannada Amxaarada iyo Cafarta oo bilooyinki u dambeeyey dagaalka xooggiisa uu ka socdo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post