807 Views

Wafdi ka socda DFS oo Maanta ka qeyb galaya Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti

Wafdi ka socda DFS oo Maanta ka qeyb galaya Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti
____________________________________________________________________________

Maanta ayaa waxa lagu wadaa in Caasimadda dalka Jabuuti lagu qabto munaasabad lagu caleema saarayo Madaxweynaha dalka Jabuuti oo markii Shanaad loo doortay xilkaas ee Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ka qeyb galaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.

Shalay waxaa dalka Jabuuti gaaray wafdi uu hoggaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayaan Xubno Wasiiro ah si ay uga qeyb galaan Caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha mudo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qeyb geli waayo Caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti, isaga oo ka qeyb galay Caleemo saarka Madaxweynaha Uganda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in uu hadalo ka jeediyo munaasabadda Caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti, isaga oo kaga hadlo doono xiriirka u dhaxeeya Soomaliya & Jabuuti iyo xaalada doorashooyinka Soomaaliya.

Ammaanka Caasimadda dalka Jabuuti ayaa aad loo adkeeyay, waxaana sidoo kale munaasabadda Caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti ka qeyb galaya Madax kale oo Afrikan ah oo lagu casuumay munaasabadda.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post