648 Views

Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Ee Golaha Shacabka Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad Ee Golaha Shacabka Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay
____________________________________________________________________________


Talaado: July 12, 2022

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Abdullahi Omar Abshir (Abshirow) ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay, Isagoo soo gutay Wajibaadka Acmaasha Xajka. Waxaana Safarkiisa kuwehlinayay Xujeey farabadan oo uu kamadi ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Soomaaliya Ridawaan Xirsi Maxamed.

Guddoomiyaha iyo Wafdigiisa Waxaa Goroonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka BJFS, isagoo oo hadal kooban jeediyay Kadib soodhaweyntiisa waxa uu yiri;

Waxaan Alle ka baryayaa in uu Naga Aqbalo Acmaasha Xajka ee aan soo gudanay, Sidoo kalena Noo Aqbalo Ducada Dhammaan Dadka Muslimiinta ah gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed ee Sanadkaan Nasiibka u helay in ay Gutaan Acmaasha Xajka, ugu dambayntii, Waxaan Alle ka baryaya in uu Xajkaan Xajkiisa kalle nagu gaarsiiyo Dalkeenna oo Nabad ah, Barwaaqo ah iyo Dadkeenna oo heshiis ah”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post