1644 Views

Warbixin: 20 sano kadib weerarkii daaraha Mareykanka.

Warbixin: 20 sano kadib weerarkii daaraha Mareykanka.
____________________________________________________________________________


Sabti: September 11, 2021

Saacado uun kadib markii ay dhaceen weerarradii Maraykanka lagu qaaday 11-kii September 2001, ayaa waxaa internet-ka ku baahay warar aan sax ahayn. Waxaa wararkaas khiyaaliga ah sii xoojiyay baraha bulshada.

Warbixinno qoto dheer oo ay soo saareen guddiga 9/11, hay’adaha dowladda Maraykanka iyo kooxo khubaro ah, ayaa lagu beeniyay inay jireen qorshayaal qarsoon oo laga lahaa weerarrada.

Hase yeeshee, urur ka jira Maraykanka iyo dalal kale oo lagu magacaabo the 9/11 Truth movement, ayaa sheegay inay jirto xog ku aaddan weerarrada oo caalamka laga qariyay.

Waxaa sidoo kale jira siyaasiyiin caan ah, dad magac leh iyo weriyayaal su’aal geliyay wararka rasmiga ah ee ku salaysan weerarradii 9/11.

Dadka qaar ayaa rumaysan in dowladda Maraykanka ay ka dambeysay weerarradii 9/11 ama ugu yaraan ay ka war qabtay inta aysan dhicin balse aysan ka hortegin. Waxa ay ku doodayaan in ujeedka laga lahaa weerarrada ay tahay in shucuubta caalamka la caburiyo, kadibna dunida laga sameeyo xukuumad ammaro adag.

Internet-ka ayaa waxaa si weyn loogu baahiyay dood ah in “shidaalka diyaaradaha uusan gubi karin shubka dabaqyada”, taa bedalkeedana ay daarihii dheeraa ku burbureen qaraxyo lagu xiray.

Warbixinta rasmiga ah ayaa sheegaya in burburka diyaaradaha uu si weyn u wiiqay shubka labada daaroood, sidaana ay ku dumeen.

Dadka rumaysan inay jiraan qorshayaasha dahsoon ayaa su’aal geliyay sababta uu u burburay dabaqii 7 World Trade Center oo u dhawaa daarihii mataanaha ahaa, maadaama aysan dabaqaas si toos ah ugu dhicin diyaaradihii la soo afduubtay. Dabaqa waxaa xafiisyo ku lahaa CIA, wasaaradda gaashaandhiga iyo xafiiska maareynta gurmadka.

Balse warbixin uu Mac-hadka Qaran ee Tayada iyo Tiknoolajiyadda soo saaray 2008 ayaa lagu sheegay in dabaqa uu u burburau xajmiga dabkii ka kacay daarihii maatanaha ahaa, gaar ahaan daartii waqooyi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post