288 Views

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Oo Soo Xiray Tababar Ku Saabsanaa Tabinta Xaaladaha Beni’aadannimada iyo Wararka Deg degga Ah

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Oo Soo Xiray Tababar Ku Saabsanaa Tabinta Xaaladaha Beni’aadannimada iyo Wararka Deg degga Ah
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 14, 2022

Tababarka tabinta xaaladaha beni’aadannimada iyo wararka degdegga ah oo ka qeyb galeen 30 suxufiyiin oo kala socday Warbaahinta waxaa uu seddex maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Waxaa tababarka soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo kaashanaysa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si loo xoojiyo kaalinta Warbaahinta ee tabinta Bani aadamnimada iyo kor u qaaditsa wacyiga wariyaha ee kawaramidda wararka deg degga ah.

Tababarka waxaa bixiyay qubaro saxaafeed ku xeel dheer tabinta xasaradaha iyo  xaaladaha bini’aadannimada.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Doodishe oo ka mid ah mas’uuliyiinta lagu casuumay tababarka si ugala hadlo kaalinta Booliiska ee xaaladaha deg degga ah iyo muhiimadda ay dowladda siiso xog siinta iyo xaqiijinta badqabka weriyaayaasha ayaa suxufiyiintii ka qeyb galay waxaa ay la wadaageen wixii ka qabeen.

Wariyayaasha ka qeyb galay tababarka ayaa uga mahad celiyay wasaaradda aqoon iswaydaarsigaan iyaga oo soo jeediyay in la kordhiyo tababarada nuucaan ah.

Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska  XFS Cabdinaasir Xuseen ayaa sheegay in tababarka uu ku soo aaday xilli loo baahnaa ayna badin doonaan tababarada niucaan ah.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna ku simaha wasiirka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo soo xiray tababarka ayaa bogaadiyay suxufiyiinta ka qeyb galay aqoon iswaydaarsigaan waxaa uu kula dardaarmay dhaqan galinta casharadii  tababarka iyo kor u qaadista doorkooda tabinta xaaladaha bini’aadannimada, xaqiijinta wararka ay tabiyaan marka lagu jiro xaaladaha deg degga ah iyo ka taxadarka amnigooda.

Ugu dambeyn ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo mas’uuliyiinta la joogay ayaa shahaadooyin cadeynaya aqoon iswaydaarsiga waxaa ay guddoon siiyeen weriyayaashii tababarka ka qeyb galay.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post