693 Views

Al-shabaab oo lawareegay Deegaanka Qalimow oo u dhaw Balcad

Al-shabaab oo lawareegay Deegaanka Qalimow oo u dhaw  Balcad
____________________________________________________________________________


Talaado: January 11, 2022

Dagaalamayaal katirsan kooxda Al-Shabaab ayaa haatan la wareegay Deegaanka Qalimow ee Hoostaga Dagamada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Al-Shabaab aya dhoor jiho ka weeraray Qalimow, waxaana usuurta gashay iney gacanta ku dhigaan Saldhiga ciidamadda Dowladda ee kula haayeen deegaankaas.

Goob-joogayaal la hadlay KNN  ayaa shegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaas culus oo ay labada dhinac is weeydaar sanayeen taa oo ugu danbeeyn usuura gelisay in Al-shabaab ay si buuxda gacanta ugu dhigaan.

Laamaha amaanka Dowlad goboleedka hir-shabelle wali faaf-faahin kama bixin, waxaase mudooyinkii danbo soo badanayay weerarada Al-shabaab ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada Dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post