849 Views

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo cambaareeyey dilkii Muqdisho loogu geystay Abkoow Cambuure oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo cambaareeyey dilkii Muqdisho loogu geystay  Abkoow Cambuure oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

 February 21, 2021 

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyey dilkii xalay Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Abkoow Cambuure oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya.

Sarkaalkaas waxaa la sheegay in askari ka tirsan NISA uu toogtay xilli uu marayey meel u dhaw taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan canbaareynayaa dilka ula kaca ah oo ciidan ka tirsan taliska nabadsugiddu u geysteen muwaaddin Abkow Canbuure. Abkow waxaa dilay ciidankii maalmo ka hor xoogga ku qabsaday Daljirka Dahsoon si ay uga hortagaan muddaaharaadkii 19kii Febraayo. Allaha u naxariisto Abkow, sabar iyo iimaanna Allaha ka siiyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa intaba,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaalka ay rasaastu uga fakatay askariga dilay, balse xildhibaan Cabdulqaadir Carabow oo ka mid ah dadka ka hadlay ayaa dowladda ka dalbaday in la baaro sababta ka dambeysay dilka marxuumka.

Abkoow ayaa mudo dheer lasoo shaqeynayey maamulka gobolka Banaadir, waxuuna soo noqday madaxii ilaalada guddoomiyeyaashii soo maray gobolka ee Yuusuf Madaale iyo Cabdiraxmaan Yariisow.

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir, Basma Caamir Shakeeti ayaa ka tacsiyadeeysay geerida sarkaalkan, waxayna laamaha amniga ka codsatay in cadaaladda horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas.

“Allaah unaxriisto Abkoow Cambuure oo goor dhow ay isoo gaartay Geeridiisa, Gacan ka xaqdaran ayaa ku dishay Taalada Dal Jirka Dahsoon ee degmada Boondhere. Waxaan Alle uga baryaa inuu Janadiisi Firdowsa Alle ka waraabiyo. Laamaha amaankana waxaan ka codsanayaa inay kuwii Falkaa ka dambeeyay ay Cadaalada horgeeyaan, Abkow waxa uu ahaa Shaqsi Howlkar ah, lana soo shaqeeyay Qaar kamid ah Gudoomiyaashii G.Banadir,” ayey tiri guddoomiye Basma Caamir.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post