3636 Views

Sawiro:- Wasidee xalda dhawacayada looqaaday dalka Suudaan ?

Sawiro:- Wasidee xalda dhawacayada looqaaday dalka Suudaan ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19 October 2017 – Wararka ka imanaya dalka Sudan ayaa sheegaya in dhaawacyadii la geeyay dalka Sudan oo cabasho ka keenaya  isbitaalada la geeyay haatan la xaliyay oo la geeyay isbitaalo ka wanaagsan kuwii hore loo geeyay.

Safiirka Dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Mudane Cumar Idris ayaa sheegay in labada safaaradood ee Soomaaliya iyo Qatar ee Magaalada Khartuum ay kawada shaqayn doonaan sidii dhaawacyadaas ay daryeel wanaagsan u heli lahaayeen si dhowna xaaladooda ula socon lahaayeen.

Xildhibaan Adan Isaaq oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ayaa Qoraal Mahadcelin ah soo dhigay bartiisa facebook isagoo u mahadceliyay Dawladdaha Qatar, Suudan, iyo Madaxda Dawladda Soomaliya oo degdeg ooga jawaabay cabashadii ka imanaysay dhaawacyada iyo ehellada la socdaba:

“Waan u mahadnaqayaa intii ka hadashay xaalada walaalaheena loo qaaday Sudan sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Dowlada Qadar iyo Sudan sidi ay uga jawaabeen cabashadii waxaana igu maqaala ah in wax laga qabtay.”

Sidoo kale Drs Sumaya Cilmi oo hormuud u ah qaybta caafimaad ka ee Gurmad Qaran ayaa sharaxday tirada Dhaawacyada iyo Isbitaalada lakala geeyay:

“Bukaanadi maanta ee gaarayay 53 waxaa 30 ka mid ah la jiifiyay Isbitaalka Xaaji Saafi oo mid nabad-sugida raacsan , intakale oo ah tirada 22 hospitaala kala duwan oo private ah ayaa la jiifiyay oo heerkooda shaqo aad usareeyo. Hal qof ayaa naga dhintay sidaa ogsoonahay. Sidaas ayee 53 kuyiiin”.

Dowladaha Turkey, Qatar, iyo Kenya ayaa ka mid ah dalalka qaaday qaar ka mid ah dhaawacyadii qarixii waynaa ee 14 October ka dhacay Isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho.

.z1 z2 z3 z4

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment