1155 Views

Taliye Xijaar oo Beeniyay in qaar ka mid ah Musharxixiinta Xildhibanada loo diiday warqada danbi la’aanta

Taliye  Xijaar oo Beeniyay in qaar ka mid ah Musharxixiinta Xildhibanada loo diiday warqada danbi la’aanta
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa beeniyay warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay oo sheegayay in  warqada dambi la,aan loo diiday qaar ka mid ah musharixiinta qaar ee u taagan kuraasta baarlamaanka Soomaaliya.

taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa tilmaamay in aysan jirin warqad loo diiday musharixiinta qaar ee u taagan kuraasta baarlamaanka, balse lagu bixin doono warqada dambi la,aanta xiligeeda iyo nidaamka ay u dajiyeen golaha wadatashiga qaranka.

Taliye Xijaar oo sii hadlayay ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad badan oo soo dalbaday warqada muujineysa dambi la,aanta, balse ay soo jeedinayaan in labaaro dhammaan musharixiinta iyo ergada wax dooraneesa.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post