1572 Views

Bam gacmeed ka dhacay goor dhawayd isgoyska Boqoleyda xaafadda Bardale ee magaalada Baydhabo

Bam gacmeed  ka dhacay goor dhawayd  isgoyska Boqoleyda  xaafadda Bardale ee magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

May 22 2021

Wararka ka imaanaya caawa Fiidkii magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in caawa uu halkaas ka dhacay qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxan uu Bamka gacanta laga tuuro, waxaana ku dhintay 3 qof waxaana la sheegay in uu ka dhacay isgoyska Boqoleyda oo ku yaalla xaafadda Bardale ee magaalada Baydhabo.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in Meesha ay ka bilaabatay rasaas mudo socotay oo ay ridayeen askar goobta ku sugneyd.

Sidoo kale Bartilmaameedka qaraxaas ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa askar ku sugneyd goob qaadka lagu iibiyo oo ku taalla isgoyska Boqoleyda. https://8d943bb546c4a36a85dac1ef93467af1.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post