1374 Views

Hay’add Faransiis ah oo shirkadda Google ku ganaaxday 267 milyan oo doollar

Hay’add Faransiis ah  oo shirkadda Google ku ganaaxday 267 milyan oo doollar
____________________________________________________________________________

June 7 2021

Hay’adda dhanka tartamada ee Faransiiska ayaa shirkadda Google ku ganaaxday 267 milyan oo doollarka Mareykanka ah, iyadoo ku eedeysay inay shirkaddu ku tumatay awooddeeda xayeysiinta dhanka online-ka.

Waxay hay’addu sheegtay inuu yahay go’aankii ugu horreeyay caalamka ee laga gaaray hannaanka iibka ee online-ka. Waxay xukmisay in shirkaddan baaritaanka ay u janjeertay teknolojiyaddeeda xayeysiinta, iyadoo gacan bidixeyneysa shirkadaha kale.

Kiiskan ayaa yimid kaddib markii saddex warbaahinood ay Google ku eedeeyeen inuu ka faa’iideysanayo xayeysiimaha iibka ee online-ka. Google ayaa haatan oggolaaday inuu soo afjaro hannaankaas.

Hay’adda dhanka anshaxa ee Faransiiska ayaa iyaduna kiisas ka gudbineysa shirkadaha Apple iyo Facebook.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post