522 Views

Xukun lagu riday haweeney Soomaali ah oo lagu helay la shaqeynta Al-shabaab Dalka Holand

Xukun lagu riday haweeney Soomaali ah oo lagu helay la shaqeynta Al-shabaab Dalka Holand
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 3, 2022

Haweeney asal ahaan Soomaali ah laguna magacaabo Farxiya Xasan, ayaa lagu riday xukun xabsi ah, kadib markii lagu helay in ay taageero dhaqaale siiso Al-shabaab.

Haweeyneedan oo heysatada dhalashada waddanka Holland, ayay maxkamadda degmada Alexandria ee dalka Mareykanka ku soo oogtay in ay lacago boqolaal dollar ah ugu deeqday ururka Al-Shabaab.

Xukunka lagu riday Farxiya Xasan, oo 38-jir ah aad uga yar ayey dacwad-oogayaashu dalbadeen in lagu xukumo 8-dii sano oo xabsi ah, balse waxaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah.

Sidoo kale, haweeneydan oo leh lix carruur ah, ayaa magangelyo ka heshay dalka Holland, iyadoo dhallinyaro ah, waxayna degtay magaalada Terneuzen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post