462 Views

Aqal Cad ee Mareykanka oo ka hadlay sanatar ku baaqay in la dilo madaxweyne Putin

Aqal Cad ee Mareykanka oo ka hadlay sanatar ku baaqay in la dilo madaxweyne Putin
____________________________________________________________________________


Sabti: March 5, 2022

Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa dhaleeceeyay senetar ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo Lindsey Graham kadib markii uu u muuqday in uu ku baaqay in la dilo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Sanatar oo qoraal soo dhigay barta Twitter-ka ayaa sheegay in sida kaliya ah ee lagu soo afjari karo duulaanka Ruushka ee Ukraine uu yahay ‘in qof ku sugan Ruushka ay tahay in Putin uu kasoo saaro halkaas’

Dhanka kale, xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa ku gacan seyrtay hadalka kasoo baxay sanatarka isla markaana sheegtay in ‘hadalkaas ma ahan mowqifka dowladda Mareykanka mana aha hadal kasoo baxay maamulka’

Hadalka kasoo baxay sanatar Graham ayaa si weyn caro uga dhaliyay gudaha Ruushka iyadoo safiirka dalkaas u fadhiya Mareykanka wuxuu ku eedeeyay sanatarka in uu wado ‘naceyb ka dhan ah Ruushka’

Halkan ka akhriso wararka la xiriira dagaalka Ukraine:

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post