951 Views

Wasaaradda Shaqada oo Digniin u dirtay shaqaalaha rayidka Dowladda ee imaan waayay goobahooda shaqo

Wasaaradda Shaqada oo Digniin u dirtay shaqaalaha rayidka Dowladda ee imaan waayay goobahooda shaqo
____________________________________________________________________________

Sabti: December 25, 2021

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa shir guddoominayay kulan uu la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullahi Maxamed Cali iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana looga hadlay hadal dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Shaqada oo ujeedadiisu ahayd soo celinta Shaqaalaha. isla markaana digniin ku socota qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka dowladda loogu diray taas oo ku aadan soo xaadiridda goobahooda shaqada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa u sheegay Agaasimayaasha in ay la xisaabtamayaan Shaqaalaha Waaxyaha ka howlgala, isla markaana ay soo sheegaan shaqaalaha maqan, maadaama Agaasime Waaxeedyada ay mas’uul ka yihiin shaqaalaha ku qoran waaxyahood.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda shaqada oo ka hadlay nooca digniinta ayaa sheegay in laga joojin doono mushaarka shaqaalaha aan gudaneyn waajibaadka saaran, soona xaadireyn goobta shaqada waxuu yiri Wasiiru dowlaha “Agaasimayaasha waaxyaha mas’uulka ka ah shaqaalaha HR waa in ay u hogaansamaan sharciga L11 ee shaqaalaha rayidka ah oo ay u akhriyaan xeerka anshaxa shaqada (Labor Code of Conduct) oo lagu qasbo in ay soo xaadiraan goobahooda shaqo.”

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi is afgarad ah. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa kula dar daarmay dhamaan shaqaalaha rayidka ah in ay iska xaadiriyaan goobahooda shaqo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post