972 Views

Maxkamada Ciidamada oo xukuntay raggii ka dambeeyay dilkii Shaafici Diiriye

Maxkamada Ciidamada oo xukuntay raggii ka dambeeyay dilkii Shaafici Diiriye
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 4, 2020 –Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay, Maxamed Cabdi Nuur Geeddi (Madax-yareey) oo horay u dilay marxuum, Shaafici Cabdi Xaaji Diiriye.

 

Maxkamadda ayaa sidoo kale Shan Sano oo xabsi Ciidan ah ku ridday, Maxamed C/wali Xasan (Boqol) oo ay ka billaabatay shaqaaqadii lagu dilay marxuumkaas.

 

 

Dilkaas ayaa ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug 28 kii Maarso ee Sanadkan 2020-ka.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Cabdi Nuur lagu riday xukun Dil toogasho ah oo ah qisaastii Shaafici Cabdi, halka Maxamed Cabdiweli isna lagu xukumay Shan Sano oo Cabsi Ciidan ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment