918 Views

Madaxweynaha Soomaliland oo la kulmay Guddi uu muran ka taagan yahay

Madaxweynaha Soomaliland oo la kulmay Guddi uu muran ka taagan yahay
____________________________________________________________________________

ogadisho  –December 24 2019 | QOL |   Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa uu xafiiskiisa kula kulmay xubnaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliland.

 

Muuse Biixi ayaa xubnaha guddiga uga warramay caqabada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka iyo xubnaha komishanka doorashooyinka laftooda.

 

 

 

Sidoo kale waxa uu ku dheeraaday ahmiyadda ay doorashooyinku u leeyihiin iyo sida uu ka madaxweyne ahaan u danaynayo in degdeg looga gudbo dhammaanba wixii khilaaf ah ee doorashooyinka hor taagan.

 

Dhinaca xubnaha guddiga doorashooyinku waxay madaxweynaha xogwarran ka siiyeen wixii u qabsoomay intii ay xilka hayeen iyo waxyaabaha mustaqbal ahaan u qorshaysan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment