780 Views

Raúl Castro oo iska casilay xilkii xoghayaha koowaad ee uu ka hayay xisbiga shuuciga ee maamulo dalkaasi Cuba.

Raúl Castro oo  iska casilay xilkii xoghayaha koowaad ee uu ka hayay xisbiga shuuciga ee maamulo dalkaasi Cuba.
____________________________________________________________________________

April 17, 2021

Raúl Castro ayaa iska casilay xilkii xoghayaha koowaad ee uu ka hayay xisbiga shuuciga ee maamulo dalkaasi Cuba.

Tallaabadaasi ayaa ka dhigan in markii ugu horreysay muddo ka badan 50 sano, xisbigani oo xukumayay Cuba tan iyo markii la aasaasay saandkii 1965 – uusan hoggaamin doonin Raúl Castro ama walaalkiiskii Fidel Castro oo sanaddo ka hor geeriyooday.

Fidel Castro ayaa hoggaaminayay kacaankii lagu riday dowladdii Cuba sanadkii 1959, waxaana taliyeyaashiisa kacaanka ka mid ahaa walaalkiis ka yar ee Raúl Castro.

Raúl Castro oo dhashay saddexdii Juun 1931, ayaa wax ku bartay dugsiga Jesuit ee ku yaal caasimada Cuba ee Havana, wuxuuna cilmiga dhaqaalaha ka bartay jaamacada Havana, halkaasi oo uu ku biiray koox dhalinyaro ah oo shuuciyadda aaminsanayd.

 

Sanadkii 1953, ayaa walaalkii ka weyn oo ah Fidel wuxuu ka caawiyey qorsheynta iyo fulinta weerar fashilmay oo lagu qaaday xeryaha milatariga ee Moncada ee ku yaal Santiago de Cuba, weerarkaasi oo ujeedadiisu ay ahayd in xukunka looga tuuro janaraal Fulgencio Batista.

Dhacdadaasi kaddib waxaa lagu xukumay 13 sano oo xabsi ah oo uu ku muteystay qeybtii uu ka qaatay weerarkaasi balse cafis ayaa lagu sii daayay sanadkii 1955, kaddibna wuxuu u musaafuris ahaan u aaday dalka Mexico.

Intii uu joogay Mexico, wuxuu la saaxiibay kacaankii reer Argentine ee Ernesto “Che” Guevara, wuxuuna ku xiray walaalkii Fidel Castro oo uu isbaray.

 

Raúl Castro ayaa bishii Diseembar sanadkii 1956, isagoo saaran markabka Granma ku soo laabtay Cuba, wuxuuna xilligaasi ka mid ahaa kooxdii dibadjoogga ahayd ee uu hoggaaminayay walaalkii Fidel ee la magac baxday kacaankii 26-kii Luuliyo.

Waxay olole dagaal oo dhuumaalaysi ah ay ka billaabeen buuraha Sierra Maestra, arrintaasi oo horseedday inqilaabkii lagu riday dowladdii Janaraal Batista oo markii dambe dalka ka cararay.

Fidel Castro ayaa loo dhaariyay ra’iisalwasaare, wuxuuna mas’uuliyada ciidamadii kacaanka u dhiibay walaalkii Raúl, xilkaasi oo uu hayay ilaa sanadkii 2008.

Meel kastaa oo uu ka joogo dalkaasi Cuba, wuxuu xiran jiray lebbiska cagaar ah ee uu ku caan baxay.

Sanadkii 1965, Raúl Castro ayaa noqday xoghayaha labaad ee golaha dhexe ee xisbiga shuuciga ahi ee markaasi uun laga aasaasay ee Cuba.

Walaalkii ka weynaa, Fidel, ayaa ahaa xoghayaha kowaad ee golahaasi tan iyo sanadkii 1965 ilaa 2011, xilligaasi oo uu iscasilay isla markaana Raúl Castro uu la wareegay xilkaasi ugu saameynta badan gudaha dalka Cuba.

Raúl Castro ayaa inta badan nooloshiisa ka hoos shaqeynayay walaalkii Fidel xilligii uu ahaa madaxweynaha Cuba laga soo billaabo 2006 iyo ilaa 2018. Wuxuu sanadkii 2015 dalkaasi ku soo dhoweeyay baadariga ugu weyn mad’habta katooligga ee Masiixiga ee Pope Francis….

wuxuu sidoo kale sanadkii 2015 Cuba ku soo dhaweeyay madaxweynihii xilligaasi xukumayay Mareykanka Barack Obama, arrintaa oo muujinaysay isu soo dhawaansho ku timid xiriirka labadani dal.

Labadani hoggaamiye ayaa 2016-kii mar kale ku kulmay Havana xilli Barack Obama uu Raúl Castro kala qeybgalay ciyaarta kubadda Koleyga oo ka dhacaysay Havana intii uu socday safarkii taariikhiga ahaa ee Obama uu ku marayay Cuba.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post