747 Views

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 03, 2021–Duqa degmada Gaalkacyo ee dowlad Goboleedka puntland  Eng Maxamuud Cabdinur Aaden ayaa Maanta kulan la qaatay Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug  iyo Saraakiisha Ciidamada, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen wada shaqayn dhexmarta Ciidamada, Maamulka degmada iyo Shacabka  ku nool Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa ay kulanka uga hadleen ah isku xirka bulshada, booliska iyo maamulka degmada, Wada shaqaynta booliska iyo gudoomiyaasha xaafadaha Gaalkacyo & furista wadooyinka qaar ee magalada dhexdeeda.

Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo ay Puntland maamusho ayaa waxaa hdowr jeer ka dhacay falal amni darro oo uu kamid ahaa qarixii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug Puntland Axmed Muuse Nuur.

Sidoo kale Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa laga sameeyay Ciidamo iskudhaf ah oo laga kala keenay Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga Magaalada.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post