2835 Views

Duqa Muqdisho oo Daah furay dib u dhiska Warta Tunbuluq ee Degmada X/Weyne

Duqa Muqdisho oo Daah furay dib u dhiska Warta Tunbuluq ee Degmada X/Weyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 18 2018 — Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa daah furay dib-u-dhiska Warta Tunbuluq ee degmada Xamar-Weyne, taasoo aan shaqayn ilaa iyo Dawlad-burburkii.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in furitaanka mashruucan dib loogu howlgelinayo warta Tunbuluq uu bilow u yahay qorshe ballaaran oo lagu hagaajinayo dhammaan biyo-mareenada Caasimadda ee xirmay.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waxuu xusay in Wartan ay kaalin wanaagsan ka qaadan jirtay gaarsiinta badda ee biyaha fariista qeybo kamid ah degmooyinka xili roobka.

“Warta Tunbuluq waxay ahayd marin wanaagsan oo biyaha gaarsiiya badda, balse ma shaqayn dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay, mashruucan aan dib ugu howlgelinaynana waa mid bilow u ah dhismaha guud ahaan kanaaladii biyaha qaadi jiray ee Caasimadda”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan dhismaha iyo horumarka dalkooda, isla markaana loo istaago sidii wadajir loogu dhisi lahaa dalka.

Furitaanka Masharuuca dib loogu dhisayo Warta Tunbuluq ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Howllaha guud iyo qaar kamid ah Agaasimeyaasha M/mulka Gobolka Banaadir.

tunbuluq-3 tunbuluq-1 tunbuluq-5 tunbuluq-2 tunbuluq-4

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment