363 Views

Wasaaradda difaaca ee Maraykanka oo shegtay in tababar gaara oo ay gudaha Maraykanka ku siinayaan ciidamada Ukraine

Wasaaradda difaaca ee Maraykanka oo  shegtay in tababar gaara oo ay gudaha Maraykanka ku siinayaan ciidamada Ukraine
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 12, 2023

Wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa xaqiijisay in ciidamada Maraykanku ay dhamaadka bishan bilaabi doonaan tababar gaara oo ay gudaha Maraykanka ku siinayaan ciidamada Ukraine, iyaga oo ku tababaraya adeegsiga gantaallada difaaca hawada ee Patriot. Tababarkan ayaa ka dhacaya Fort Sill oo ku taalla Oklahoma.

Warka la xidhiidha arrintan ayay Talaadadii baahiyeen VOA iyo qaybo kale oo ka mida warbaahintu.

Xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Brigadier General Pat Ryder ayaa ku dhawaaqay salaasadii in tababarka ka dhacaya Oklahoma inuu u bilaabmi doono sida ugu dhakhsaha badan toddobaadka soo socda.

“Tababarku wuxuu diyaarin doonaa qiyaastii 90 ilaa 100 askari oo u dhashay dalka Ukraine si ay ugu shaqeeyaan [gantaallada difaaca], u ilaaliyaan una joogteeyaan nidaamka difaaca iyaga oo qaadan doona koorsada tababarka ee la filayo inay socoto dhowr bilood,” ayuu yidhi Ryder, isagoo raaciyay in nidaamka difaaca ee Patriot uu siin doono Ukraine awood kale oo ay dadkeeda kaga difaacdo weerarada dhinaca cirka ee uga imanaya Ruushka.

Fort Sill ayaa ah dugsiga tababarka madaafiicda ee ciidamada Maraykanka.

Ryder ayaa sheegay in Maraykanku uu raadin doono habab lagu “dardar geliyo waqtiga tababarka” si dadka reer Ukraine ay ugu soo laabtaan goobta dagaalka sida ugu dhakhsaha badan.

Toddobaadkii hore, Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqday inay 50 baabuurta dagaalka ee Bradley u diri doonto Ukraine, taasoo qayb ka ah wareeg cusub oo ah gargaar militari ah oo la siinayo Kyiv si ay uga caawiyaan ciidamada Ukraine inay la dagaalamaan duulaanka Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post