1869 Views

Qoor qoor oo shir looga hadlayay amaanka ku shir gudoomiyay magaalada Gaalkacyo

Qoor qoor oo  shir looga hadlayay amaanka ku shir gudoomiyay magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

May 18 2021


Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay amniga guud ee deegaanada maamulkaasi iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shirkaan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xaruunta gobolka Mudug, ayaa waxaa ka qeyb gallay saraakiisha kala duwan ee hay’adaha amniga ee maamulka Galmudug.

Shirka ayaa waxaa warbixin guud looga dhageystay saraakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka sida oo ka warbixiyay xaaladda guud ee Amniga.

Madaxweyne Qoorqoor oo shirka ka hadlay ayaa faray saraakiisha ciidamada inay sii dardar geliyaan dadaalada suggidda amniga  iyo dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post