636 Views

Wasiirada Caafimaadka oo kulan gaar ah la yeelatay safiirka dowladda Filand u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirada Caafimaadka oo  kulan gaar ah la yeelatay safiirka dowladda Filand u qaabilsan Soomaaliya
____________________________________________________________________________

 Khamiis: June 24 2021


Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Fawziya Abiikar Nuur, ayaa kulan gaar ah la yeelatay safiirka dowladda Filand u qaabilsan Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Eritrea Amb. Erik Lundberg.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga wada-hadlay arrima ku saabsan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka caafimaadka, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska wasiir Fawziya.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ugu dambeyntii uga mahadcelisay safiirka Filand dadaalka ay dowladdisu  ka wado Soomaaliya iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda caafimaadka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post