990 Views

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo soo jeediyay qaabka lagu xallin karayo doorashada xildhibaannada Waqooyi

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo soo jeediyay qaabka lagu xallin karayo   doorashada xildhibaannada Waqooyi
____________________________________________________________________________

Isniin: August 2, 2021

Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyay “taladiisa ugu dambeysa ee xalka arrimaha lagu muransan yahay ee maamulka iyo madaxbannaanida doorashada 57da kursi ee Dir Waqooyi.”

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aan masiir umamadeed la wareejin karin, sidaa awgeedna dadka reer waqooyi ay xaq dastuuri ah u leeyihiin ka tashiga aayahooda iyo “hubinta madaxbannaanida doorashada 57-da kutsi ee ay ku leeyihiin labada gole.”

Cabdi Xaashi wuxuu xal ahaan ra’iisalwasaare Rooble ugu soo bandhigay qodobbo ay ka mid yihiin; dhismaha guddi jiheeya doorashada xildhibaannada woqooyi oo gudoomiye isaga iyo ra’iisalwasaare kuxigeenka, Mahdi Guuleed, ay noqdaan hoggaan wadajir ah oo hagaya maamulka doorashada gobollada woqooyi.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in dib loo mideeyo guddiga iyo guddiga hirgelinta doorashooyinka heer-maamul goboleed oo siddeedda xubnood ee guddigaasi ka mid noqonaya iska dhex xulanayaan dadka gobollada woqooyi iyo in labada dhinac si cadaalad ah loogu gaybiyo guddoonka guddiga oo dhinac la siiyo gudoomiyaha gudiga, dhinaca kalena gudoomiye kuxigeenka iyo xoghayaha Gudiga.

Waxaa kale oo xal ahaan uu u soo jeediyay in doorashada xildhibanaada gobollada waqooyi lagu qabto hangarka Ciidanka Cirka ee Xalane, amniga doorashadana ay sugaan ciidanka booliska Soomaaliya iyo Amisom.

Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in haddii ra’iisalwasaare Rooble uu qaato go’aan uu ku raalligelinayo hal dhinac, in iyaguna qaadan doonaan go’aan ay kaga tashanayaan aayaha dadka ay matalaan iyo madaxbannaanida doorashadooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post