1008 Views

Ruushka oo joojiyay Gaaskii uu siin jiray Bulgaria iyo Poland

Ruushka oo joojiyay Gaaskii uu siin jiray Bulgaria iyo Poland
____________________________________________________________________________


Arbaco: April 27, 2022

Shirkadda Gazprom ee laga leeyahay dalka Ruushka ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqday inay joojisay Gaaska ay siin jirtay Waddamada Bulgaariya iyo Poland ka,ka dib markii ay bixin wayeen lacagta Gaaska Ruushka ee Rubbil, Shirkadda Gazprom ayaa xustay in laga yaabo in la hakiyo Gaaska sii mara Poland iyo Bulgaria ee ay siyaan dalaka kale ee reer Yurub.

Wasiirka tamarta Bulgaria Alexander Nikolov, ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay bixinta dhaqaalaha ku saabsan qandaraasyada uu kamid yahay Gaarska.

Nikolov ayaa intaa ku daray in Bulgaria ay bixisay kharashka Gaaska bishii Abriil, iyada oo la tixgelinayo qandaraaskii ay wada galeen labada dal.

Poland iyo Bulgaria, ayaa noqonaya dalalkii ugu horeeyay ee ka tirsan midowga Yurub oo ay Moscow ka joojiso Gaaska, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, 24-kii bishii November.



Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post