534 Views

General Xuud “waan diidanahay in Cali Guudlaawe uu yimaado B/weyne.

General Xuud “waan diidanahay in Cali Guudlaawe uu yimaado B/weyne.
____________________________________________________________________________


Axad: February 6, 2022

\Hogaamiyaha Gollaha kacdoonka Gobolka Hiiraan Ganaraal Abuukar Xaaji Warsame xuud oo xalay Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Arimo badan oo ay ka mid yihiin Ciidamaddi xalay xirtay Qeeybo kamid ah Beledweyne iyo  Wararka shegayay in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe uu halkaasi taggi doono Maanta.

Xuud ayaa ugu horeeyntii sheegay in Arinta ay xamar markii hore u yimaadeen ay aheeyd Wanaag iyo in wadda hadal wax lagu dhamayeeyo, balse hadda ay socdaan dadaallo lagu dib mareeynayo oo Halkaasi dhib laga sameeynayo, sidda uu hadalka u dhigay.

“Wixii meshaas ka dhaco oo dhibaato ah waxaa la yaqaan Cidda qaadeyso masuuliyadaas, Waxaanna soo bixi doontaa, ayuu yirri Ganaraal Xuud.

Ganaraal Xuud ayaa ku hanjabay in wax walbo oo lasameeyo Ay jawaab u dhiganta ay sameeyn doonan ayna helli doonto Cidda sameeysay, sidda uu shegay.

“Inagga hadii aan nahay Reer Hiiraan waa inagulla soo duuli jiray dhibaato badan ayaan qabnaa intaasi ama dhibaatadaasina waxa ay udhaceeysaa war xaq ayaa iga maqanne xaqeenna hainalla siiyo, in uu maqanyahayna Soomaali oo dhan ayaa og Masuuliyiinta Somaliyeedna waa ay ogyihiin,  ayuu yiri Ganaraal Abuukar Xaaji Warsame xuud.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in xaqadooddi oo ka amaqan la dul geeyay Ciidamo, aysana waxa dhici karaa ahaayeen in Ciidamo la dul geeyo, Sidda uu hadalka u dhigay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post