3273 Views

6 Soomaali oo si dhuumaalaysi ah xashiish ku gelin lahaa Sacuudiga oo la qabtay.

6 Soomaali oo si dhuumaalaysi ah xashiish ku gelin lahaa Sacuudiga oo la qabtay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 4, 2018 – Ciiddanka Ilaaladda Xuduudaha ee dalka Sacuudiga waxay bishii la soo dhaafay ee May gacanta ku dhigeen 30 qof oo Shisheeye ah, kuwaasi oo doonayey inay Xashiish ka gudbiyaan dhulka Buuraleyda ee Xuduudka Koonfureed ee Sacuudiga la wadaago dalka Yemen.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa qortay inay Ciiddanka Ilaaladda Xuduudka Koonfureed fashiliyeen dhowr isku-day oo la doonayey in Xashiish culayskiisu dhamaa 1,117 Kg laga so ogudbiyey xuduudka dhuleed iyo kan Baddeed ee Sacuudiga.

Ilaaladda Xuduudaha waxay qabteen 30 qof oo Shisheeye ah muddadii u dhexeysay bishii May 7-da ilaa 19-da, sida uu sheegay Afhayeenka Ilaaladda Xududuaha Sacuudiga, Kolonel Saxar Al-xarbi.

Afhayeenka oo la hadlay Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegay in dadka lagu qabtay Xashiishka ay kala ahaayeen 13 Ethiopian, 11-Yemeniniin iyo 6 Soomaali ah, kuwaasi oo uu baaritaan ku socdo.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in ay Ilaaladda Xusuudaha sii wadi doonaan sidii loo joojin lahaa Isk-dayada lagu doonayo in Xashiish iyo Daroogo la soo geliyo Sacuudiga.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah Warbaahinta Sacuudiga iyo kuwa Khaliijka ayaa maanta oo Isniin ah qoray in ay Ilaaladda Xuduudaha ee Sacuudiga bishii hore qabteen 20 qof oo Shisheeye ah, kuwaasi oo doonayey inay Xashiish so ogeliyaan Sacuudiga.

Ilaaladda Xuduuka Sacuudga ee magaallooyinka Jizaan, Najraan iyo Casir ayaa sheegay inay fashiliyeen isku-day lagu doonayey in Xashiish culayskiisu dhamaa 641 Kg. ama in ka badan  Kala-barka Hal Tan.

Eedeysanayaasha lagu qabtay Xashiishkaasi ayaa kala ahaa 9 Ethiopian, 9 Yemeniyiin iyo 2 Soomaali ah.

somali-xashiish2 somali-xashiish1 somali-xashiish

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment