291 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Midowga Yurub kala hadlay xoojinta xiriirka & taageerada Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Midowga Yurub kala hadlay xoojinta xiriirka & taageerada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 12, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo taageerada Midoowga Yurub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey qorshaha dowladda ee xaslinta dalka, dib u dhiska ciidamada, abaaraha, ka hortaga macluusha iyo xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed qorsheyaasha horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Dhankiisa, Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay uga go’an tahay xal u helista caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha iyo amni darrada.

Soomaaliya ayaa ka codsatay Midoowga Yurub in ay gacan xooggan ka geystaan ka hortagga xaalufka deegaanka, hubka sharci darrada iyo jariifka badda Soomaaliyeed, iyadoo dib loo dardar gelinayo dhismaha Ciidamada Badda, si dowladdu ay u xakameyso xuduudaha badeed ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post