1992 Views

Sawirro:-Wasiir Cawad Oo Sagootiyay Safiir Shaqo Xileedkiisa Ka Idlaaday

Sawirro:-Wasiir Cawad Oo Sagootiyay Safiir Shaqo Xileedkiisa Ka Idlaaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 09, 2018–Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa quraac sharafeed u sameeyay Mudane Mohammed Yousuf Ibrahim Abdulmanan Safiirka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Suudaan u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ay ka idlaatay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ammaanay dadaalada uu muujiyay Danjire Maxamed Yuusuf ee xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, isagoo xusay heerka uu gaaray xiriirka walaalnimo ee isku xira Soomaaliya iyo Suudaan, waxaanu u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howlaha kale ee cusub ee dowladdiisu u igman doonto.

Safiirka Suudaan ee waqtiga loo idmaday howsha diblomaasiyadeed ka idlaatay ayaa ka mahadceliyay taageerada uu la kulmay muddadii uu howsha diblomaasiyadeed u joogay Soomaaliya, isagoo bogaadiyay xiriirka dhinacyada badan leh ee labada dal u dhexeeya.

m1 m2 m3 4

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment