849 Views

Axmed Madoobe oo dib u bilaabey la xisaabtanka Wasiiradiisa

Axmed Madoobe oo dib u bilaabey la xisaabtanka Wasiiradiisa
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Wali ku guda jira isla Xisaabtanka Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowlada Jubbaland.

 

Maanta waxaa Madaxweynahu uu isla Xisaabtan ku sameeyay shaqada Wasaarada Arimaha gudaha ee Sanadkii lasoo dhaafay iyo qorshaha Sanadka soo socda ee 2020ka iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshayaasha hortabinta u leh shaqada Sanadka soo socda.

 

 

 

Waxaa Wasaaradu ay soo gudbisay in Soo celinta dadka qoxootiga ah ee kasoo laabanaya xeryaha qoxootiga dhadhaab ay Wali socoto inkastoo gaabis uu ka jiro dadkii sida iskood ah uga soo noqonayay halkaas.

 

Waxaa kale oo Wasaaradu ay sheegtay in gacanta lagu hayo mashariic waa weyn oo laga hirgalinayo guud ahaan Jubbaland kuwaas oo shacabka waxtar u leh.

 

Mashaariicdan Waxaa kamid ah dhismaha sideed wado oo laami ah kuwaas oo laga hirgalinayo Degmada Kismaayo iyo sidoo kale wadada laamiga ah ee isku xirta Degmooyinka luuq iyo Doolow oo laami laga dhigayo.

 

Waxaa kale oo kamid ah dhismaha garoomada diyaaradaha Afmadow iyo dhoobley kuwaas oo qaab casri ah loo dhisayo wax badana ka tari doonta kaabayaayasha dhaqaalaha

 

Dhismaha garoomada kubada cagta dhoobley iyo Afmadow iyo adeegyo kale oo muhiim u ah Bulshada labadaas Magaalo ku nool iyadoo sidoo kale Wasaarada Arimaha gudaha ay gacanta ku hayso dhismaha golayaasha deegaanka Degmooyinka Luuq iyo Baardheere oo dhawaan la bilaabayo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment