1212 Views

Urur Midowga Afrika oo ku amray Ciidamada amisom inaysan ku milmin siyaasada Somaliya.

Urur Midowga Afrika oo ku amray Ciidamada amisom inaysan ku milmin siyaasada Somaliya.
____________________________________________________________________________

April 29-2021


War kasoo baxay Urur Midowga Afrika ayaa Walaac looga muujiyay Xaaladda Amniga ee uu dalku ku jiro xiligan.

Midowga Afrika ayaa howl galka Amisom ugu baaqay in ay dhexdhexaad ka noqdaan dhinacyada isdiidan ee isku- ho Siyaasadda Soomaaliya, sida ku xusan warka kasoo baxay Midowga Afrika.

Warka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagusoo dhaweeyay hadalkii kasoo yeeray madaxwaynaha uu waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaa oo ahaa in uu maalinta sabtiga ah hor tagayo xilibaanada Golaha Shacabka.

Iyadoona sidoo kale lagu wado in xilibaanada ay ka laabtaan mudo kordhintii ay u sameeyeen hay’adaha dowladda si dib loogu noqdo heshiiskii 17’kii September.

Offiice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post