273 Views

Xildhibaan Jeesow” Ciidanka Macaawisleyda ee ka dagaalamaya Hiiraan lama dhihi karo hogaan maleh”

Xildhibaan Jeesow” Ciidanka Macaawisleyda ee ka dagaalamaya Hiiraan lama dhihi karo hogaan maleh”
____________________________________________________________________________

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa taageero u muujiyay ciidanka deegaanka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ka wadda gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada GolahaShacabkaBaarlamaankaFederaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidanka Mawisleyda ah, kuwaa soo dagaalkoodu yahay mid Saxan.

“Ciidanka Macaawisleyda ee ka dagaalamaya Hiiraan lama dhihi karo hogaan maleh gudoomiye Cali Jeyte ayaa hogaamiye u ah” ayuu yiri Xildhibaanka.

“Waxaan aad u tageersanahay abaabulka ay wadaan shacabka reer Hiiraan ee Al Shabaab looga xoreynayo Gobolka iyo guud ahaan Dalka oo dhan waana tagi doona si aan ugu biiro dagaalkaas”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay kordhay taageerada Xildhibaanada iyo dowladda dhexe ay ka helayaan ciidanka Mawisleyda loo yaqaano ee dagaalka kula jira Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post