1080 Views

Puntland oo Gacanta ku dhigtay Khamri & dad ka Ganacsanayay

Puntland oo Gacanta ku dhigtay Khamri & dad ka Ganacsanayay
____________________________________________________________________________

Muqdisho|QOL|October 05, 2021—-Ciidamada Booliska Puntland ee ka howlgalla Magaalada Garoowe ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa gacanta ay ku dhigeen Khamri farabadan oo la doonayay in la soo geliyo Magaalada Garoowe

Maandooriyaha Khamriga ayaa waxaa lagu soo bandhigay Saldhiga Galbeed ee Magaalada Garoowe Caasimadda Maamulka Puntland.

Taliye ku xigeenka Saldhiga Galbeed ee Magaalada Garoowe Xidigle Cabdullaahi Cali Wadaad ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Gaari NOHA ah oo khamriga lagu waday balse ay baxsadeen laba Nin oo watay markii Gaariga la is taajiyay Koontoroolka Magaalada Garoowe.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in laamaha Amniga ay u siyaarsan yihiin inay Gobolka Nugaal ka sifeeyaan ka Ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya, isaga oo u digay dadka Gobolka soo ginaya iyo kuwa ka Ganacsanaya.

Ugu dambeyn Taliye ku xigeenka Saldhiga Galbeed ee Magaalada Garoowe Xidigle Cabdullaahi Cali Wadaad waxaa uu sheegay in Ciidamadu ay wadaan howlgallo joogto ah oo lagu baadi goobayo waxyaabaha maanka dooriya, isla markaana ay sii socon doonaan.

Magaalada Garoowe iyo degaannada kale ee Puntland ayaa waxaa dhowr jeer lagu soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya iyo dad ka Ganacsanayay oo xukuno kala duwan lagu riday.

Xafiiska \Qaranimo Online|Muqdisho

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post