762 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo War ka soo saaray geerida Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo qaabkii loo dilay

Ra’iisul Wasaare Rooble oo War ka soo  saaray geerida Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo qaabkii loo dilay
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 20, 2021

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo war ka soo saaray geerida Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo qaabkii loo dilay Xildhibaanka.

Rooble ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku sheegay in Xildhibaan Aamino ay tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo baadi doonka caddaaladda.

“Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay xildhibaanadda. Xildhibaan Aamina oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo baadi doonka caddaaladda, waxay dadkeeda iyo dalkeeda ugu soo shaqeysay sida ugu wanaagsan ee karaankeeda ah,” ayuu yiri Rooble.

Qoraalka Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan erayada ugu adag ku cambaareynayaa falkii argagixiso ee caawa lala beegsaday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Baladweyne. Waxaan murugada la qeybsanayaa ugana tacsiyeynayaa qoyskeedii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geerida Xildhibaan Aamina.”

Dhankiisa Farmaajo ayaa qoraal uu ka soo saaray geerida Xildhibaan Aamino waxuu ku yiri, “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ay caawa argagixisadu cadowga ku ah nolosha iyo jiritaanka ummadda ay ku dishay magaalada Beledweyne. Qoyskeeda, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa geeridaa tiiraanyada badan leh.”

Xildhibaan Aamino oo qof naftiisa haligay uu isku qarxiyey ayaa mar kale lagu beegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu dhuftay gaari lagu siday meydadka iyo dhaawacyada Xildhibaan Aamino iyo askartii ilaalineysa, halkaas waxaa ku dhintay dad uu ku jiro Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo hadda ahaa musharax xildhibaan, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey dhaawaca wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post