345 Views

Puntland oo amartay in lasoo xirro mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay maamulkaasi.

Puntland oo amartay in lasoo xirro mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay maamulkaasi.
____________________________________________________________________________

Sabti: May 21 2022

Xili ay socoto dhageeysigga dacwad la xiriirta Dhoofinta Dhir la sheekay in la jaray lana doonayay in Loo dhiifiyo dalka dibadiisa ayaa Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka puntland waaran u jartay mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay maamulka Puntland oo ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa.

Sidoo kale waxaa jiro Mas’uuliyiinta ku lug yeeshay barnaamijka dhoofinta dhirta waxaana la sheegay in ay kamid yihiin kuwa hadda xilal ka haya dowladda Goboleedka puntland oo ay ku jiraan xildhibaano inkastoo aan weli tallaabo loo qaadin dhankooda.

Arintaan ayaa timid ka gadaal markii Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe ay saaka mar kale u fadhiisatay dhegaysiga dacwadda ku saabsan dhoofinta dhirta loo yaqaan geed-quwaaxa.

Dhegaysiga dacwadda ayaa socotay kadib markii maxkamadda la hor-keenay nin ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta geed-quwaaxa kaas oo u xiran dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post