885 Views

Gudoonka Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xil. Caateeye.

Gudoonka Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Xil. Caateeye.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 23 2020–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday kaga tacsiyadeeyay Geeridii ku Timid Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateye oo ku geeriyooday Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xildhibaanku mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanaayay dalka Jabuuti, hayeeshee arbacadii uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda Jabuuti ee Caasimada dalkaasi.

 

 

 

“Innaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun Illaahey ha u naxriisto Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye mudooyinkii dambe ayuu ku xanuunsanaa Dalka Jabuuti waxa uuna ku geeriyooday Dalkaasi jabuuti” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha shacabka.

 

“ Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayuu ka tirsanaa rabi naxriistii jano haka waraabiyo Anaga iyo ehelkiisana samir iyo iimaan illaahey ha inaga wada siiyo” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu kaga tacsiyeeyay ehelka Xildhibaanka, Mudanayaashii ay kawada tirsanayeen Golaha Shacabka iyo dhammaan Soomaalida.

 

 

 

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay xildhibaan Cabdirahman Maxamuud Caateeye. Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, eheladiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.

 

Xildhibaan Caateeye oo ka mid ahaa golaha shacabka ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsanayay magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaasi jabuuti.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment