1332 Views

Sawirro:-Ammaanka Holland Oo Aad Loo Adkeeyey, Kadib Toogasho Ka Dhacday

Sawirro:-Ammaanka Holland Oo Aad Loo Adkeeyey, Kadib Toogasho Ka Dhacday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 18, 2019 –Hal qof ayaa geeriyooday, dhowr kalena wey dhaawacmeen, kadib, markii uu Nin hubeysan rasaas ku furay tareen marayey Isgoys mashquul badan oo ku yaalla magaalladda Utrecht ee Bartamaha dalkaasi.

Askar ay ku jiraan Saraakiil aad u hubeysan ayaa lagu soo daadiyey magaalladaasi, waxayna Boliska ku raad joogaan Ninkii toogashadda geystay.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta RTV ee Utrecht ayaa sheegay inay Toogashada ka dhacday gudaha Tareen taagnaa Bosteejadda 24 Oktoberplein ee Galbeedka magaalladdaas.

Maamulayaasha dalkaasi waxay sheegeen inuu weerarkaasi u muuqday Weerar Argagixiso.

Warbaahinta dalka Holland ee NOS aya sheegtay inay Boliska isku gedaameen Dhismo la rumeysan yahay inuu Dableyga hubeysan ku dhuumaalaysanayo.

Ma jiro war toos ah oo ku aadan qofka uu yahay ninka hubeysan ama tirada saxda ama Aqoonsiga Dhibanayaasha.

Dhinaca kale, Heerkii ugu sareeyey ayaa la gaarsiiyey Xaalladda Ammaanka ee magaalladda ay toogashada ka dhacday ee  Utrecht , waxaana la adkeeyey Ammaanka Garoomada Diyaaradaha, Masaajidda iyo Dugsiyadda, iyadoo laga kordhiyey ciiddanka u tababaran sida Milliteriga oo kale.

Ra’isul-wasaaraha dalka Holland, Mark Rutte waxa uu tilmaamay inuu aad uga walaacsan yahay Toogashadaasi oo ku soo beegantay 3 maalmood kadib, markii 50 qof oo Muslim ah lagu dilay toogasho-wadareed ka dhacday 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka New Zealand.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment