1098 Views

Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo been abuur ku tilmaamay xog ka soo baxda Soomaliya Covid-19

Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo been abuur ku tilmaamay xog ka soo baxda Soomaliya  Covid-19
____________________________________________________________________________

2da Maarso, 2021

Somaliland ayaa sheegtay in cudurka Covid-19 uu kusoo laba kacleeyay, dadka xanuunka laga helayaana ay kasii bateen intii hore.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa been abuur iyo tiro khaldan ku tilmaamay xog kasoo baxda Soomaliya oo ku saabsan dadka xanuunka laga helay oo ee ku sugan Somaliland.

“Wax inaga dhexeeyo oo xog is-weedaarsi ah ma jiro ..xogta ay Somaliland ka sheegaan waa xog gebi ahaanba been abuur ah xaqiiqada aanan ku fadhin sal iyo raad toona aanan laheyn”

“Haddii xogta Somaliland ay been ka sheegeen…tusaale ahaan toddobaad ka hor waxay sheegeen in 40 qof cudurka laga helay Somaliland”

Sidoo kale waxaan isku daynay in aan la xiriirno wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya si ay uga jawaaban eedeymaha loo soo jeediyay balse wax xog ah kama aanan helin.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post